Free Web Hosting by Netfirms
Web Hosting by Netfirms | Free Domain Names by Netfirms

 

Laacibka weyn ee qaranka faransiiska iyo kooxda xidigaha isu tagay ee R.Madrid Zinedine Zidane ayaa cadeeyey inuu ka laabtey go`aankiisii ahaa inuu ka fariistey xulka Faransiiska sida uu ku qorey boggiisa internet-ka.

Zidane oo hada 33 jir ah waxa uu ku dhawaaqey inuusan mar dambe u safan doonin xulkiisa Faransiiska markii ay ka hareen ciyaarihii qaramada Yurub 2004 lagu qabtey dalka Bortaqiiska.

- Waan ka laabtey go`aankeygii hore sanad ka dib markii aan ku dhawaaqey inaanan mar dambe u safan xulka ayuu yiri Zidane.

Zidane wuxuu hormuud u ahaa xulkii Faransiiska ee ku guuleystey koobkii aduunka 1998 markaas oo uu 2 gool dhaliyey ciyaartii finaalaha, wuxuu kaloo ka mid ahaa xulkii hantiyey koobka qaramada Yurub 2000.

Sidoo kale waxaa isna kusoo laabtey xulka Faransiiska ciyaaryahan Makalele oo isna 2004tii ka fariistey xulka, waxaana la filayaa in labada xidigba ay saftaan kulan saaxiibtinumo oo ay Faransiiska la yeelanayaan qaranka Ivorycost 17ka bishaan