Free Web Hosting by Netfirms
Web Hosting by Netfirms | Free Domain Names by Netfirms

Kooxda kubada cagta ee Goodir oo ku Guulaysatay Koobka Koobabka Kooxaha Heerka Kowaad ee Caasimada JSL Hargeysa  

SDWO (Hargeisa) Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay tartankii koobka koobabka kooxaha heerka kowaad ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, koobkan oo aay ku tartamayeen sided kooxood oo ka tirsan kooxaha heerka kowaad ee Caasimada Hargeysa, waxaa ciyaartii kama danbaysta ahayd isagu yimid labada kooxood ee Goodir iyo Liibaan. 

Hadaba Ciyaartii kama danbaysta ahayd oo ka bilaabantay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium saacada hargeysa markay ahayd 4:20 galabnimo, ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayna ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan masuuliyiin ay ka tirsan yihiin wasiirka wasaarada ciyaaraha Mr. Maxamud Siciid  Maxamed, Taliayaha Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Maxamed Cige. iyo gudoomiyaha xidhiidhka Kuabada cagta JSL Mr. Cabdirashiid Caydiid Yasiin, iyo Boqor Raabi Maxamuud iyo Hobolada caanka ah ee walaalaha Sweden iyo Xassan Waraabe Cade

Ciyaartan oo ahayd mid aad loo sugayey ayaa waxay ku bilaabantay werar iyo weerar celis ay isaga hor yimaadeen ciyaar yahanada labada koxood, balse ma suurto galin in gabi ahaanba qaybta hore ee ciyaarta aan wax goolal ah lakala dhalin. 

bidix) Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta (Midig) Wasiirka Ciyaaraha

Hadaba markii la isku soo noqday laabada koxood iyadoo koox waliba ay la timid farsamooyin cusub, isla markaana ay macalimiinta kooxuhu ay sameeyeen badalo kala gedisan, soona siiyeen ciyaar yahanada labada kooxood talooyin ayaa waxa aan suurto galin in kooxna ay wax goolal ah keensadaan sidaas darted gabi ahaan wakhtiga rasmiga ahee ciyartu waxay ku soo gabagabowday barbaro oo aan wax goolal ah la iska dhalin. 

Wakhtiga oo yaraa darted iyo roobab soo hooray dartood ayaa waxaa loo dhigay labada koxoodba laadka xorta ah (rigoore) kooxwalbana waxa alaga soo diyaaray shan ciyaartoy oo kala ah: 

Naadiga Goodir

 

 

Naadiga Liibaan

Dhego

Cunay

0

1

Shanbidhiidho

Dhaliyay

Samiir

Dhaliyay

1

1

Xassan

Dhaliyay

Guray

Dhaliyay

1

0

Haashim

Cunay

Shabeel

Dhaliyay

1

1

Basuuke

Dhaliyay

Ahmed Yasiin

Dhaliyay

1

1

Abdillahi

Dhaliyay

Libaan halaasi

Dhaliyay

1

1

Xusseen

Cunay

 

 

5

5

 

 

 

 

 

 

 

 

Libaan Case

Dhaliyay

1

0

Shiine

Cunay

Sida shaxda ka muuqata ayaa look ala laagtay rigoorayaashii iyadoo oo guushu ku racday kooxda Booliska ee Goodir 6gool :5 gool sidaas ayaanay ku noqotay kooxda Goodir horyaalka Kooxaha heerka kowaad ee ka dhisan caasimada hargeysa.

 

Waxaa halkaas ku gudoonsiiyay abaal marintii koobka koobabaka kooxaha heerka kowaad ee Caasimada Wasirka wasaarada Ciyaaraha Somaliland Mr. Maxamuud Siciid Maxamed.

 

Waxaa kale oo halkaas lagu bixiyay abaal marino ay ka mid yihiin:

Ciyaar yahanka u wanaagsanaa tartanka oo la siiyay Cabdirisaaq Quule oo ciyaarayey kooxda Gashaan. (best Player)

Goolwadihii u wanaagsnaa Tartanka oo la siiyay Saleeban oo u ciyaara Kooxda Goodir. (Best Goolkeeper)

Gooldhalinta waxa la siiyay Xusseen Cilmi oo u ciyaara kooxda Liibaan.

 

Waxa kale oo halkaas lagu bixiyay shahaado sharaf xubanaha sida firfircoon uga qayb qaatay hawsha tartanka inta uu socday oo ay ka mid yihiin:

 

1.      Omaar Referee

2.      Cismaan Yussuf Referee

3.      Cabdiqaadir Maxamed Referee

4.      Deeq Abdillaahi Saban Referee

5.      Maxamed Nuur Jibriil Fourth Referee

 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter  - Hargeisa