Free Web Hosting by Netfirms
Web Hosting by Netfirms | Free Domain Names by Netfirms

Qalabo kala duwan oo la gudoonsiiyay Wasaarada Ciyaaraha Somaliland

(Left) Siciid (Gudoomiyaha Jaaliyada Norway)  Hassan Waraabacade(Right)

SDWO (Hargeisa) Waxa maanta Xafiiska wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL lagu qabtay  Xaflad lagu gudoonsiiyay Wasaarada Ciyaaraha JSL qalab Alaabmarino Sports Qeybaha kala duwan ee Wasaarada Ciyaaraha, Qalabkan oo ku deeqay Gudoomiyaha Ururka Hormarinta Ciyaaraha Somaliland Mr. Xassan Waraabe Cade oo dhawaan dalka yimid.

Xaflad oo ay Goobjoog ka ahayeen Dhamaan Msuuliyiinta Qaybaha kala duwan ee wasaarada Ciyaaraha oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaraada  Ciyaaraha Mr. Maxamud Siciid Maxamed, Agaasimaha  Wasaarada Ciyaraha Sacad M. Shire, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Mr. Cabdirashiid Caydiid, Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Kubadaha Gacmaha Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Guun, iyo Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mr. Cabdirisaaq Cabdicasiis X. Bane (Fiyoore) iyo qyebha akala duwan ee Saxafada dalka. 

Xaflad oo ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyay Wasiirka Wasarada Ciyaaraha Mr. Maxamud Siciid Maxamed oo ugu mahadnaqay Xassan waraabecade oo isku soo xilqaamay sida waxtarka iyo qiimaha leh ee uu dalkiisa ugu horey maalkiisa, waxa kale oo uu wasiirku xusay in aan markan hayn markii u horeysey, balse dhawr jeer oo hore qalab noocan oo kale ah soo gadhsiiyay Wasaarada Xassan isaga oo kaalin mugleh kaga jira Hormarinta iyo kor u qaadida tayada Sports-ga Somaliland. 

Waxaa kale oo sina halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Norway oo goobjoog ka ahaa munaasibadan, Mr. Siciid maxamed Amiin, isga oo gootaas kaga dhawaaqay in Jaaliyada Somaliland ee Norway ay Sanad walba qaban doonto Tartan orod Marathon 10 Kmoo ay Jaaliyad ahaan isku xilqaameen in ay bixiyaan dhamaan abaal marinta tartaankaas oo sanad walba la qaban doono, taas oo hadhow la gaadhsiin doono dhamaan gobolada dalka oo dhan. 

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Mr. Xassan waraabe Cade oo isagu qalabkan ugu deeqay Qaybaha kala duwan ee wasarada Ciyaaraha oo sheegay in uu mar kasta u heelan yahay sidii sport-ga Somaliland kor loogu qaadi lahaa had iyo jeerna isagu taxaluujiyo oo aan maalkaygana u huro, waxa kale oo u xassan carabka ku dhuftay in ay Jaaliayada Somaliland ee Dibada ay ku dhiiriyaan sidii ay Hormarinta sport-ga dalkooda uga qayb qaadan lahayaeen. 

Hadaba qalabkan oo ka koobnaa abaalmarino aad u fara badan ayaaa waxa uu Mr. xassan u kala gudoonsiiyaya Qaybaha kala duwan ee Wasarada ciyaaraha Somaliland sedan: 

Qeybta Xidhiidhka Kubada Cagta :

  1. Waxa uu Gudoonsiiyay Koob wayn oo Silver ah.

  2. 36 Biladood oo ka samaysan Silver.

  3. Abaal marin ka samaysan Silver (Best Player Winner)

  4. Abaal marin Ka samaysan Silver (Best Goalkeeper Winner)

  5. Shan Kubadood

 Qeybta Xidhiidhka Kubada Gacmaha.

1.     Waxa uu Gudoonsiiyay  Hal koob oo qalin ah.

2.     20 Biladood oo ka samaysan Silver.

3.     5 Kubadood oo Kubadaha Gacmaha.

 

Qeybta Ciyaaraha Fudud.

  1. 12 Biladood oo ka samaysan Silver.

  2. iyo kharash Maaliyadeed oo lagu qaban doono dhawaan Tartan Orod.

 

Qalabkan oo ah kii u badnaa ee noociisa ah ee ugu deeqo Mr. xassan Waraabe Cade Sanadkan, Xassan oo ah nin kaalin laxaad leh kaga jira Hormarka ciyaaraha Somaliland isaga oo hore qalabo kala duwan soo gaadhsiiya Wasarada Ciyaaraha iyo si gaar ahba qaybaha iyo kooxaha(club) kala duwan ee ka dhisan Caasimada Somaliland ee Hargeysa. 

Gabagabadii Xaflada waxa halkaas lagu soo qaaday Kooxdii ku guuleysatay dhawaan Tartankii Jaaliayadaha Somaliyadeed ee Erosom2005 ee ay ku Guulaystay kooxda Norway ee Reer Somaliland waxaa halkaa hambalyo ugu diray Wasiirka Wasaarda Ciyaraha Somaliland Mr. Maxamud Siciid Maxamed iyo dhamaan bahweynta Ciyaaraha Somaliland.

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter Hargeisa