Free Web Hosting by Netfirms
Web Hosting by Netfirms | Free Domain Names by Netfirms

Somaliland oo markii u horeysay xubin ka noqotay xidhiidhka kubadda Cagta Qaaradd Africa

 

 

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda africa CAF ayaa markii u horeysay somaliland ku biirtay liiska wadamada xubnaha ka ah xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika

Sidaana waxaa lagu sheegay warbixin sanadeedkii uu xidhiidhkani soo saaray Bishii December ee sanadkan iyadoo warkan lagu baahiyey Shebakadda ineternet-ka ee wararka ciyaaraha faafisa oo magaceeda la yidhahado todofutbol.net shebakadaas oo soo xigtay warbixibn saneedeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Africa ayaa taxday liiska wadamada xubnaha ka ah xidhiidhkaas waxayna somaliland kaga jirta liiska 56 hase yeeshe waxa uu warkani inta ku daray inay ka mid tahay Afar dal oo aan xubna ka ahayn xidhiidhka kubadda cagta ee dunid ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidha FIFA waxana sadex dal ee kale yihiin jasiiradaha yar yar ee la kala yidha Zinsibar, Mayotta iyo Reunion.

Haddaba inkasta oo somaliland lagu muujiyey liiska wadamada xubnaha ka ah xidhiidhka CAF hadan hana mar kaliya xidhiidha kubadda cagta somaliland kama qayb galin tartanka ciyaaraha africa , iska dhaaf ka qaaradda africa ma uusan qayb galin tarntanka  ciyaaraha geeska africa ee la yidha SECAFA

Warar kale ayaa sheegay in dhawaan uu buuqasho ku imanaayo Gudoomiyaha xidhiidha qaaradda Africa

Warkani waxaa saaka lagu faafiyay Wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter Hargeisa